Ciidanka Dowladda Islaamiga Ah oo Qabsaday Magaalo Hor Leh oo Katirsan Wadanka Ciraaq.

Tuesday December 09, 2014 - 10:08:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Dowladda Islaamiga Ah oo Qabsaday Magaalo Hor Leh oo Katirsan Wadanka Ciraaq.

    Wadanka ciraaq dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan wilaayaadka wadankaasi oo bilihii lasoo dhaafay ahaa kuwa lagu loolamayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka ciraaq dagaallo culus ayaa markale dib uga qarxay deegaanno katirsan wilaayaadka wadankaasi oo bilihii lasoo dhaafay ahaa kuwa lagu loolamayay.

Wararka ka imaanaya wilaayada salaaxudiin ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiintu ay shalay horumarro ballaaran ka sameeyeen dagaallo malxamad ah oo ay lagaleen maleeshiyaadka shiicada safawiyiinta ee ciraaq iyo iiraan isagasoo kala gurmaday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta dowladda islaamiga ah ay qabsadeen degmada Istiraatiijiga ah ee almuctasim oo dhanka koonfureed uga beegan magaalada saamuraa,cutubyo katirsan ciidamada mujaahidiinta ayaa dagaal lagalay maleeshiyada xukuumadda shiicada kadibna waxaa usuurtagashay in ay isku fidiyaan dhul hor leh,dagaalka dhanka muslimiinta waxaa uga qeyb qaadanayay diyaaradaha isbaheysiga sheydaaniga ah waloow aysan diyaaradahaasi is hortaagin horumarrada mujaahidiinta.


Warbaahinta maxalliga ciraaq ayaa baahisay in mujaahidiintu duullaan qorshaysan ay ku qaadeen dhanka magaalada saamaraa oo ah goob ay shiicadu nijaaseysay islamarkaana ay ka sameysteen shirkiyaad ay alle ka soke wax ku caabudaan,camaliyaad istish-haadi ah ayaa lagu daah furay howlgallada kadibna ciidamada muslimiintu waxay gacanta ku dhigeen saldhigyadii ugu weynaa ee cadawgu lahaa.

taliyihii howgalla shiicada ugu magacaawnaa saamaraa Ninka lagu magacaabo Jeneraal cammaad alzuheyri ayaa si xun ugu dhaawacmay dagaal ay maleeshiyaadkiisu lagaleen ciidanka mujaahidiinta iyadoona maxaabiis ahaan loo qabtay tobaneeyo katirsan cadawga xilli ay ku sugnaayeen guutada 17-aad gaar ahaan saldhigga albakar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaddiga dagaalka dhanka saamaraa oo kululaa aawgeed ay mujaahidiintu xamlad dagaaleed hor leh qaadeen kaasi oo sababay in gacanta cadawga ay ka baxaan illaa 10 tuulo oo hadda ay mujaahidiinta dowladda islaamiga ah maamulayaam.

Related Items