Canada iyo Britain oo Albaabada isugu dhuftay Safaaradahooda Wadanka Masar Kadib Cabsi Ammaan.

Tuesday December 09, 2014 - 10:18:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Canada iyo Britain oo Albaabada isugu dhuftay Safaaradahooda Wadanka Masar Kadib Cabsi Ammaan.

    Dowladaha Ingiriiska iyo Canada ayaa ku dhawaaqay in albaabada ay isugu dhufteen safaaradahooda magaalada alqaahira,war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Canada ayaa lagu sheegay in warbixinno dhanka sirdoonka ah oo ay heleen ay muu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Canada ee Masar ayaa albaabada loo laalaabay kadib hanjabaad ka timid islaamiyiinta
Dowladaha Ingiriiska iyo Canada ayaa ku dhawaaqay in albaabada ay isugu dhufteen safaaradahooda magaalada alqaahira,war rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Canada ayaa lagu sheegay in warbixinno dhanka sirdoonka ah oo ay heleen ay muujinayaan weeraro ka dhaci kara alqaahira sidaasi daraadeedna ay xireen safaaradda si muwaadiniinta Canada aan loo waxyeelayn.

Wargeyska The Star Canada ayaa soo daabacay warbixin uu ku sheegayo in goodis uu mujaahid Canada udhashay uu jeediyay isagoo ku sugan mandiqadda reer galbeedku u yaqaanaan Bariga dhexe ay qeyb ka tahay feejignaan xukuumadda.

Canada waxay qeyb ka tahay dowladaha duullaanka dhanka cirka ah ku qaaday wadanka ciraaq iyadoona masar ay ka howlgalaan mujaahidiin taabacsan dowladda islaamiga ah.

Sidoo kale safaaraddii dowladda ingiriiska ee wadanka masar ayaa iyna laxiray,wasiirka arrimaha dibadda Bariidaaniya wuxuu sheegay in safaaradooda ay u xireen sababa laxariira cabsi ay ka qabaan wax ay ugu yeereen weeraro argagaxiso.

Labadan dowladood ee Nasaarada ah ma aysan sheegin xilliga ay dib ufuri doonaan safaarahada ay xireen,tallaaadani waxay fashil dhanka amniga ah ku tahay xukuumadda alsiisi iyadoona macna weyn uyeelaysa awoodda jihaadiga ah taasi oo macnaheedu tahay "Masar waxaa laga heli karaa awood islaami ah oo reer galbeedka halis gelin kartaā€¯.

Related Items