Gabdho Soomaali Ah oo Kufsi iyo Gowrac Loogu Geystay Magaalada Riyaadh Ee Wadanka Sacuudiga.

Tuesday December 09, 2014 - 12:35:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Gabdho Soomaali Ah oo Kufsi iyo Gowrac Loogu Geystay Magaalada Riyaadh Ee Wadanka Sacuudiga.

    Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan ayaa sheegaya in gabdho soomaaliyeed lagu dilay kadib markii gabood fallo xun lagula kacay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulka Xarameynka ee Sacuudiga loo yaqaan ayaa sheegaya in gabdho soomaaliyeed lagu dilay kadib markii gabood fallo xun lagula kacay.

Goob joogayaal katirsan jaaliyadda Soomaalida Sacuudiga ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Rag Sacuudiyaan ah ay qafaasheen sedax gabdhood muslimaad soomaali ah kadibna ay kufsi iyo dilal kula dhaqaaqeen.

Sedax gabdhood Soomaali ah ayaa la sheegay in ay qafaasheen qaar katirsan darawallada gaadiidka Taksiga kufsi kadibna inta gowraceen ayay meydadkooda kusoo daadiyeen goobaha qashin qubka ah.

Booliska Magaalada Riyadh ee Sacuudiga ayaa la sheegay in ay baaritaanno wadaan,kufsiga iyo dambiyada kale ee qoor goynta ah ayaa sanadadii lasoo dhaafay kusoo badanayay wadanka Sacuudiga loo yaqaan.


Dadka afrikaanka ah gaar ahaan Soomaalida ayaa ah kuwa ugu daran ee lagu dhibaateeyo magaalooyinka Jiddah iyo Riyaadh waxaana dhibaatada ka qeyb qaata ciidanka ammaanka wadankaasi.

Related Items