Warbixin:CIA-da oo 13 Sanadood Gudahood Tacdiibin Fool Xun Kula Kacday Dad Muslimiin ah.

Wednesday December 10, 2014 - 11:20:56 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:CIA-da oo 13 Sanadood Gudahood Tacdiibin Fool Xun Kula Kacday Dad Muslimiin ah.

    Golaha odayaasha dalka Mareykanka ayaa soo saaray warbixin 600 Bog ka kooban oo ku saabsan qaabka ay sirdoonka Mareykanka ula dhaqmaan dadka muslimiinta ee waxa loogu yeero Argagaxisada ku eedaysan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha odayaasha dalka Mareykanka ayaa soo saaray warbixin 600 Bog ka kooban oo ku saabsan qaabka ay sirdoonka Mareykanka ula dhaqmaan dadka muslimiinta ee waxa loogu yeero Argagaxisada ku eedaysan.

Warbixinta ayaa tooshka ku ifinaysa tacdiibin fool xun oo CIA-du ugeysanayso dad muslimiin ah,golaha Koongareeska USA ayaa dhaqanka CIA ku tilmaamay mid wuxushnimo leh.

Hoggaamiyaha Mareykanka Obama oo hadlay isna wuxuu sheegay in warbixintani ay tahay fadeexad dhaawacaysa wax uu ugu yeeray qiyamka Mareykanka.

Asaaliibta foosha xun ee CIA adeegsato waxaa kamid ah tacdiibin daran oo lagula kaco maxaabiista si dambiyo been abuur ah ay uqirtaan kadibna xukunno lagu rido.


13-kii sanadood ee lasoo dhaafay ayay dowladda Mareykanka caalamka islaamka ka wadday mashruuc sheydaani ah oo loogu magac daray "ladagaalanka Argagaxisadaā€¯ iyadoona furtay xabsiga Guwantanama ee fadeexadda ku caanbaxay.

Related Items