Taliska melleteriga inqilaabka ku qabsaday talada wadanka masar ayaa ku
dhawaaqay in xukunno daldalaad ah ay muteysan doonaan 197 kamid ah saraakiisha
ururka ikhwaanul muslimiinta ee sanaddii lasoo dhaafay talada laga tuuray.
Mas’uuliyiinta daldalaadda lagu xukumay waxaa kamid ah Max’med Badiic oo ah
murshidka guud ee Ururka ikhwaanul muslimiin islamarkaana ku xiran xabsi
ammaankiisa si aad ah loo ilaaliyo.
Qaadiga maxkamadda daadguutka dambiyada masar ayaa ku dhawaaqay xukunka kama
dambaysta ah ee lagu fulin doono saraakiishan loo heysto falal dambiyeedyo
argagaxiso loogu yeeray.
Warbaahinta Masar ayaa sheegtay in ragga maanta laxukumay lagasoo soo soocay
529 maxaabiis ah oo bilo ka hor daldalaad lagu xukumay waxaana lagacabsi qabaa
in 197-dan qof ladili doono
dhammaantood.
Dhinaca kale 5 qof oo Masaari ah ayaa lagu dilay magaalada alqaahira kadib
dibad baxyo ballaaran oo ka dhan ah inqilaabka oo gilgilay xaafadaha muhiimka
ah ee magaalada.
Ciidamada booliska ayaa rasaas nool nool u adeegsaday shacabka iskusoo baxyada
dhigayay oo ku qeylinayay erayo ka dhan ah Generaal Cabdi Fataax alsiisiga
dhawaan isku magacaabay madaxweynaha Masar.
Boqorka dabadhilifka xukuumadda daaguutka Aala sacuud ayaa gaaray magaalada
alqaahira wuxuuna kulan layeeshay alsiisi iyo saraakiisha melleteriga ee inqilaabka
hoggaaminaysa.
Cabdalla Bin Cabdul Caziizka waayeelka ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku
xanuunsanayay isbitaal kuyaal wadanka almaqrib,telefeshinka masar ayaa lagasii
daayay alsiisi iyo boqor cabdalla oo wada fadhiya gudaha diyaarad gaar ah oo
garoonka alqaahira fadhida.
Hogaamiyaha Sacuudiga ayaa socodka gabay wuxuuna madaxda Masar kula kulmayaan diyaarad
dusheed, sacuudiga iyo imaaraadka carabta ayaa lacago malaayiin dollar ah
guddoonsiiyay alsiisi waana maskaxda ka dambaysa inqilaabka.
Alsiisi ayaa madaxda ka dhunkaday Mudanihiisa Sacuudiga wuxuuna aamisanyahay in Sacuudiga la'aantiis uusan madaxweyne ka noqon laheyn wadanka Masar,C/Fataax Alsiisi ayaa maalin qura magaalada Al Qaahira ku laayay dad kabadan 2,500 oo qof.
Sawir:Hoggaamiyaha Ururka Ikhwaanka Oo Daldalaad Lagu Xukumay iyo Alsiisi Oo Madaxa Ka Dhunkaday Boqorka Sacuudiga.
Wararka ka imaanaya wadanka Masar ayaa sheegaya in maxkamad melleteri ay xukuno daldalaad ah ku ridday boqolaal qof oo ku eedaysan falalka waxa loogu yeero argagaxisada.