Dagaallo iyo Duqeymo Ka Dhacay Degmada Buula Barde Ee gobolka Hiiraan.

Saturday June 21, 2014 - 23:09:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo iyo Duqeymo Ka Dhacay Degmada Buula Barde Ee gobolka Hiiraan.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta gelinkii dambe ka dhaceen afaafka hore ee degmada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay maanta gelinkii dambe ka dhaceen afaafka hore ee degmada.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab ay weeraro madaafiic ah ku qaadeen saldhigyada ciidamada Jabuuti ee Buula Barde saldhigyada ku leh.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in duqeyn saacad socotay kadib ay ciidanka Jabuuti u dhaqaaqeen dhanka Buuraha oo ay ciidanka Al Shabaab ku sugnaayeen.

"Kadib duqeyn ay xoogaga Al Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidanka Jabuuti ee Buula Barde ayay ciidanka magaalada ku sugeen weerar qaadeen kadibna dagaal culus ayaa dhacay”ayuu yiri goob jooge.


Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidanka weerarka qaaday khasaara xooggan  oo gaaray kadib ay dib ugusoo laabteen gudaha Buula Barde.

Wariye ku sugan Hiiraan ayaa soo sheegay in 3 askari oo Jabuutiyaan iyo kuwa Dowladda Federaalka ah meydadkooda lagu arkay goobihii lagu dagaalamay.

Degmada Buula Barde ee gobolka Hiiraan ayaa muddo bila ah xaalad go’doon ah kujirta waxaana waddooyinka degmada soo gala ku sugna ciidamada shabaabul Mujaahidiin halka ciidamada gumeysiga Jabuuti ay saadka ciidan ku keensadaan dhanka hawada.

Related Items