Baarlamaanka Kenya oo Ansixiyay Qodobada La dagaalanka Argagaxisada! Warbixin.

Saturday December 13, 2014 - 13:24:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Kenya oo Ansixiyay Qodobada La dagaalanka Argagaxisada! Warbixin.

    xilli mujaahidiinta xarakada alshabaab ay xoojiyeen weerarada qorshaysan ee ka dhanka ah xukuumadda nasaarada Kenya iyo shacabkeeda ayay soo baxayaan jiha wareer dhan walba ah oo udhaxeeya hay'adaha maamulka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

xilli mujaahidiinta xarakada alshabaab ay xoojiyeen weerarada qorshaysan ee ka dhanka ah xukuumadda nasaarada Kenya iyo shacabkeeda ayay soo baxayaan jiha wareer dhan walba ah oo udhaxeeya hay'adaha maamulka Kenya.

Baarlamaan gaaleedka Kenya oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi ayaa dood kulul ka yeeshay sida lagu baajin karo weerarada joogtada noqday ee mujaahidiintu ka fuliyaan gudaha wadankaasi.

Ammaanka oo faraha ka baxay iyo muwaadiniinta nasaarada oo bartilmaameed noqday ayaa sababay in hoggaamiyaasha Kenya madaxa islagalaan,baarlamaanka wadankaasi ayaa ansixiyay in xeerar hor leh oo awood siinaya ciidanka ashahaadda ladirirka Kenya.


Siyaasiyiin iyo xildhibaanno mucaaradsan uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay in xeerkan cusub uu sii xoojin karo tacaadufka ay mujaahidiinta alshabaab ka helayaan dalka Kenya.

Qodobada ciidamada ashahaadda ladirirka Kenya awoodda siinaya waxaa kamid ah 1-xukuumadda Kenya waxaa loo ogolyahay in qofkii looga shakiyo argagaxiso ay xabsiga ku heyn karto muddo sanad ah iyadoo aan wax maxkamad ah lasoo taagin.

2-maamulayaasha sirdoonka Kenya waxay awood uleeyihiin in ay muraaqabo saaraan qalabka isgaarsiinta iyo waxa ay bulshadu ku wada xariirto.

Sidoo kale baarlamaanka Kenya ayaa awood usiinaya madaxweynaha wadankaasi in uu qaado tallaab degdeg ah isagoo aan cidna kala tashan sida xilka qaadista wasiiro ama taliyaal ciidan iyo in kuwa kale lagu bedelo.

Saraakiil ciidanka Kenya horay ugasoo shaqeeyay ayaa sheegay in tallaabooyinkan ad-adag aysan waxba soo kordhin doonin islamarkaana weerarada shabaabul mujaahidiin sii socon doonaan iyagoo arrinkaasi ku sababeeyay udub dhaxaadka mashaakilka Kenya ka taagan oo ah musuq maasuqa dalka ladegay iyo ciidanka Kenya ee weli ku sugan gudaha soomaaliya.

Related Items