Warar Dheeraad ah:Dagaal Saacada Badan Qaatay oo Ka Dhacay Degmada Raaga Celle ee Gobolka Sh/Dhexe.

Sunday December 14, 2014 - 09:45:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warar Dheeraad ah:Dagaal Saacada Badan Qaatay oo Ka Dhacay Degmada Raaga Celle ee Gobolka Sh/Dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay fiidkii ka dhaceen degmada Raaga Ceelle oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay fiidkii ka dhaceen degmada Raaga Ceelle oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada mujaahidiintu ay dhowr jiho ka weerareen saldhigyada ciidamada shisheeye iyo kuwa DF-ka ku leeyihiin Raaga Ceelle.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka oo socday muddo 2 saacadood xariir ah uu saameyn ballaaran ku yeeshay cadawga,Meydadka 6 katirsan ciidanka DF-ka ayaa saaka lagasoo aruuriyay goobihii lagu dagaalamay halka khasaaraha AMISOM gaaray aan la ogeyn sababa laxariira iyagoo diiday in dadka shacabka ah u dhawaadaan saldhigyadooda.


Boqolaal katirsan ciidamada Muslimiinta ayaa gudaha magaalada galay halka gaadiidka dagaalka mujaahidiinta ee Tiknikada loo yaqaan uu ka dagaalamayay waddooyinka Jid cadayaasha ah ee Raage Ceelle soo gala,warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in dagaalkii xalay uu ahaa mid qorshaysan oo mujaahidiintu ku beegsadeen bartilmaameedyo gaar ah.

Waa markii 2-aad oo dagaallo saacado badan qaatay ay ka dhacaan Raage Celle sheekh Yuusuf Kaba Kutukade ayaa horay u sheegay in ciidamada Mujaahidiintu ay shisheeyaha ku dhiig bixin doonaan degmooyinka iyo deegaannada ay ugasoo duuleen shabeelaha dhexe.

Related Items