Soomaali Australian ah oo Ku Biiray Dowladda Islaamiga ah Ee Ciraaq iyo Suuriya Ka Dagaalamaysa.

Sunday December 14, 2014 - 10:40:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali Australian ah oo Ku Biiray Dowladda Islaamiga ah Ee Ciraaq iyo Suuriya Ka Dagaalamaysa.

    Jaaliyadda Soomaalida dalka Australia ayaa ku dhawaaqday in gabdho Soomaali ah ay ku biireen jihaadka ka socda wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jaaliyadda Soomaalida dalka Australia ayaa ku dhawaaqday in gabdho Soomaali ah ay ku biireen jihaadka ka socda wadamada Suuriya iyo Ciraaq.

Wararka ka imaanaya Australia ayaa sheegaya in laba qof oo soomaali ah ay usafreen dalka Turkiga kadibna ay uga gudbeen dhanka Suuriya waxaana lafilayaa in ay ku biireen dowladda Islaamiga ah.

Guddoomiye ku xigeenka jaaliyadda Soomaalida Australia ayaa Idaacadda SPS laanteena afka Soomaaliga u sheegay in laba habla ah oo da’doodu kala tahay 20 jir iyo 18 sana jir ay ku biireen xoogaga IS oo dhul ballaaran ka maamula Ciraaq iyo Suuriya.


Wargeys kasoo baxa magaalada Sydney ayaa sheegay in gabdhahan Soomaalida ay laba asbuuc ka hor ay gaareen Turkiga kadibna xiriirkoodi go’ay waxaana loo badinayaa in ay mujaahidiinta ku biireen.

Tobaneeyo katirsan dhalinyarada Soomaalida qurba joogta ah ayaa dhanka jihaadka Ciraaq iyo Suuriya kusii qulqulaya,dowladda Australia ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Sheydaaniga ah ee Mareykanku hoggaaminayo iyagoona duqeymo ugeysto muslimiinta Ciraaq.

Related Items