"Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma
dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo
xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan
doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo
gelin lahaa” ayuu yiri Siilaanyo.
Sidoo kale hoggaamiyaha
maamulka Somaliland ayaa sheegay in uu yahay murashax utaagan doorashada
xilka madaxtinimada ee sanadda soo socota dhici doonta.
Muuse
Biixi iyo siyaasiyiin kale oo Kulmiye katirsan ayaa qorshaynaya in ay
soo magacaabaan murashaxa madaxtinimada ee xisbiga utartami doona
doorashooyinka soo socda.
Khilaafka kajira magaalada Hargeysa
ayaa haddii uu sii socda saameyn ballaaran yeelan doona,maleeshiyaadka
RRU-da loo yaqaan ayay dhinacyadu isku adeegsanayaan.
Khilaafka U Dhaxeeya Siyaasiyiinta Xisbiga Kulmiye Oo Xoogeystay iyo Axmed Siilaanyo Oo Hanjabay.
Jiha wareer dhanka siyaasadda ah ayaa ragaadiyay dhammaan golayaasha wasiirada iyo wakiillada maamulka Somaliland isku magacaabay waqti ammaanka Hargeysa habeenadii lasoo dhaafay khal-khal kajiray.