Sawirro: Afar Magaalo Oo Ugacan Galay Xoogaga ISIS iyo Shiicad oo Quus Muujinaysa.

Sunday June 22, 2014 - 00:25:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7517
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 6
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Afar Magaalo Oo Ugacan Galay Xoogaga ISIS iyo Shiicad oo Quus Muujinaysa.

    Loolanka dhanka siyaasadda iyo melleteriga Wadanka Ciraaq ayaa 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay xiisa gaar ah lahaa kadib markii islaamiyiinta iyo xoogaga qabaa'illada sunniga ah ay hantiyeen dhul baaxad leh.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka ISIS oo Falluuja socod ku maraya
Loolanka dhanka siyaasadda iyo melleteriga Wadanka Ciraaq ayaa 20-kii maalmood ee lasoo dhaafay xiisa gaar ah lahaa kadib markii islaamiyiinta iyo xoogaga qabaa'illada sunniga ah ay hantiyeen dhul baaxad leh.

Gudcur madoow ayaa ku hareeraysan mustaqbalka siyaasiyiinta shiicada Rawaafidda ah in ay dib uga taliyaan dhulka muslimiinta sunniga Ciraaq.

9,April,2003 ayay ciidanka Mareykanka dabaabaadka dagaalka iyo diyaarado dagaal ku geliyeen magaalada Baqdaad Iyaad Callaawi,Nuuri Almaalik iyo Axmed Jalabi oo dhammaantood ahaa siyaasiyiin shiico ah markii dambana qabtay xilalka ugu muhiimsan ee dowladda Ciraaq.

Shiicada Ciraaq ee la dowladeeyay gabood fallo dhan walba ah ayay ugeysteen muslimiinta sunniga Ciraaq,gabdho cafiifaad ah ayaa lakufsaday kumanaan dhalinyarra ah ayaa xabsiyada lagu guray kadibna lalaayay intaasi waa qeyb yar oo kamid ah gabood fallada lagula kacay muslimiinta sunniga.


bishii Janaay 2014 ayay xoogaga qabaa’illada iyo mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah waxay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta magaalada Falluuja iyo qeybo badan oo katirsan magaalada Rammaadi.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay waxaa sii xoogeystay loolanka labada dhinac ,9,June,2014 ayay mujaahidiinta dowladda Islaamiga ah usuurtagashay in si fudud ay kula wareegaan magaalada Muusil ee waqooyiga Ciraaq dhacda maalin kadibna waxay qabsadeen magaalada Tikriit ee duleedka Baqdaad.

Mujaahidiintu wali way sii wadaan ugurguurashada dhanka Baqdaad maanta oo kaliya waxay qabsadeen illaa 4 magaalo oo kala ah Rawaat,Alqaa’im,Rudbah iyo Caanah sawirro lasoo dhigay baraha bulshadu kuwada xariirto ayaa muujinayay ciidamda ISIS oo gaadiid gaashaaman ku dhax wata magaalada alqaa'im ee dhacda xadbeenaadyada ay wadaagaan Suuriya iyo Ciraaq.

Embedded image permalink
Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in haddii ISIS ay qabsadaan magaalada Xadiithah ay go’doomayaan ciidamada Al Maaliki ee qeybta uga sugan Rammaadi culeyskuna uu ka degayo xoogaga ISIS.

Magaalada istiraatiijiga Biiji oo ay ku yaallaan warshadaha waaweyn ee sifeeya Batroolka ayaa iyana gacanta mujaahidiinta ku jirta.


Hoos Ka Daawo Khariirad Muujinaysa magaalooyinka Gacanta ISIS kujira iyo kuwa wali lagu loolamayo.





Related Items