Sawirro:Dowladda Turkiga oo Gurmad Gaarsiisay Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Ceelbuur Ku Go'doonsan.

Sunday December 14, 2014 - 12:22:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Sawirro:Dowladda Turkiga oo Gurmad Gaarsiisay Ciidanka Itoobiya Ee Degmada Ceelbuur Ku Go'doonsan.

    Haddii hay'adaha Turkiga ee Soomaaliya ku sugan ay sheegan jireen in joogitaankooda Soomaaliya uu salka ku hayo gargaarka shacabka Soomaaliyeed wajigooda dhabta ah sanad ka hor ayuu faydmay kadib markii safaaradda Turkiga ee Muqdisho dhaqaale ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii hay'adaha Turkiga ee Soomaaliya ku sugan ay sheegan jireen in joogitaankooda Soomaaliya uu salka ku hayo gargaarka shacabka Soomaaliyeed wajigooda dhabta ah sanad ka hor ayuu faydmay kadib markii safaaradda Turkiga ee Muqdisho dhaqaale ku wareejisay taliska ciidanka AMISOM.

Warbaahinta islaamiga ayaa dhowr mar soo bandhigtay wajiga madoow ee Atraakta ee ku aadan ka qeyb qaadashadooda duullaanka gardarrada ah ee Soomaaliya lagusoo qaaday.

Hay’adda bisha Cas Turkiga ayaa ku dhawaaqday in gargaar ay gaarsiisay ciidamada Xabashida Itoobiya ee ku go’doonsan magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Xabashida Itoobiya wax kabadan 7 bilood ayay ku go’doonsanyihiin Ceelbuur kadib markii shacabkii deganaa degmada isaga barakaceen islamarkaana ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ay jareen waddooyinka soo gala degmada.


Ceelasha biyaha Ceelbuur ayaa shaqadii gabay iyadoona ciidanka Itoobiyaanku si dhib leh biyaha uga dhaansadaan arrinkaasi wuxuu sababay in noloshu ku adkaato cadawga balse dowladda Turkiga ayaa balan qaaday in ceelasha biyaha Ceelbuur ay udayac tirayso ciidamada Xabashida Itoobiya iyadoo la ogyahay in wax shacab ah aysan magaaladaasi ku sugnayn magaalada Ceelbuur.

Sawirro ay baahiyeen taliska ciidanka Afrikaanta ee Soomaaliya kusoo duulay ayaa muujinayay matoorro,bambka biyaha tuura iyo tubooyinka biyaha oo Turkigu ay ugacan geliyeen Xabashida Itoobiya,tani waxay shacabka Soomaaliyeed u xaqiijinaysaa in dowladda dabadhilifka Turkiga ay naas nuujinayaan cadawga soo jireenka Soomaaliyeed ee Itoobiya oo gummaad dhan walba ah ka geysanaya gudaha dalka.





Related Items