Faah Faahin:Ciidamada Mujaahidiinta oo Weeraray Warmaxan iyo Tixsiile,Gaadiid Dagaal oo lagubay iyo Dhimashada 14 askari.

Monday December 15, 2014 - 08:55:35 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Ciidamada Mujaahidiinta oo Weeraray Warmaxan iyo Tixsiile,Gaadiid Dagaal oo lagubay iyo Dhimashada 14 askari.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus oo saaka ka bilaawday deegaanno katirsan degmooyinka W/Weyne iyo Afgooye ay soo gaba gaboobeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus oo saaka ka bilaawday deegaanno katirsan degmooyinka W/Weyne iyo Afgooye ay soo gaba gaboobeen.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa waaberigii hore ee saaka weeraro kula jarmaaday saldhigyo ay ciidamada DF-ka ku lahaayeen deegaanada Tixsiile iyo Warmaxan.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dagaalka ka dhacay Warmaxan oo ku dhawaad Hal saac qaatay lagu gubay 3 gaari oo nuuca dagaalka ah islamarkaana lagu dilay 14 Askar.

Sidoo kale weerar culus ayay ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen tuulada Tixsiile oo isbaaro utiillay maleeshiyaadka DF-ka,dadka deegaanka ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidamada mujaahidiintu si buuxda ula wareegeen deegaanadii lagu dagaalamay kadibna ay dib uga gurteen.


Wararkii ugu dambeeyay waxay xaqiijinayaan in hub iyo sahay ciidan oo ay qaniimeysteen goobihii lagu dagaalamay laga daabulay.

Related Items