Dowladda Federaalka oo Qiratay in Askar iyo Saraakiil Looga Laayay Dagaalkii Warmaxan iyo Maleeshiyaadka Mushrikiinta oo Gurieel Laga Qabsaday.

Monday December 15, 2014 - 14:11:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka oo Qiratay in Askar iyo Saraakiil Looga Laayay Dagaalkii Warmaxan iyo Maleeshiyaadka Mushrikiinta oo Gurieel Laga Qabsaday.

    Kadib dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile ayay Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa qiratay khasaaraha dagaalka kasoo gaaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaalkii khasaaraha badan dhaliyay ee ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ku qaadeen deegaanada Warmaxan iyo Tixsiile ayay Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa qiratay khasaaraha dagaalka kasoo gaaray.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha amniga DF-ka ayaa wakaaladaha wararka u sheegay in dagaalka looga dilay ugu yaraan 10 askari islamarkaana gaadiid dagaal looga gubay.

Taliyihii ciidamada aagga Afgooye iyo Walaweyn ayaa laxaqiijiyay in lagu dilay dagaalkii cuslaa ee saaka waaberigii ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya degmada Gurieel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan DF-ka ay si nabad gelyo ah kula wareegeen gacan ku heynta degmada.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamo wata gaadiidka dagaalka oo dhanka Dhuusamareeb ka yimid ay magaalada qabsadeen,maleeshiyaadkii kooxaha mushrikiinta ayaa dibadda uga baxay magaalada xaaladda ayaa kacsan waxaana laga cabsi qabaa in Guriceel markale lagu dagaalamo.

Related Items