Dhageyso:Ciidamada Itoobiya oo Ka Baxay Degmada Wabxo iyo Mujaahidiinta Al Shabaab oo Dib Uqabsaday.

Monday December 15, 2014 - 20:03:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Ciidamada Itoobiya oo Ka Baxay Degmada Wabxo iyo Mujaahidiinta Al Shabaab oo Dib Uqabsaday.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay soo gaba gaboobeen dagaallo culus oo maanta barqadii ka bilaawday degmada Wabxo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore Meydadka Ciidamada Itoobiya oo Wabxo lagusoo bandhigay
Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ay soo gaba gaboobeen dagaallo culus oo maanta barqadii ka bilaawday degmada Wabxo.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada xabashida Itoobiya oo Wabxo ku sugnaa ay bilaabeen in ay dhanka degmada Maxaas u dhaqaaqaan waxaana weeraro dhabagal ah u dhigay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada muslimiinta ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta Wabxo halka ciidamada Itoobiya iyagoo jabay ay dhanka Maxaas caawa ku hoyanayaan.

War rasmi ah oo kasoo baxay wilaayada islaamiga Galguduud ayaa lagu sheegay in muslimiintu dib uqabsadeen magaalada iyadoona ciidamada mujaahidiinta loogu hamblayeeyay guusha ay soo hooyeen.


Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah waaliga Galguduud ayaa idaacadda Islaamiga Andalus lahadlay wuxuuna xaqiijiyay in ciidanka gumeysiga Itoobiya ay isaga carareen Wabxo isagoona ka bixitaankooda usababeeyay go'doomin ku raagtay "Allaah ayaa ku mahadsan amxaarada nooga saaray degmada Wabxo,haddii ay kusoo laabtaan wixii ay horay ula kulmeen ayaa sugaya haddii ay naga joogaana allaah ayaa ku mahadsan"ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Halkan ka degso Sh.Xasan Yacquub oo ka hadlay dib qabsashada Wabxo MP3

Related Items