Ciidamada AMISOM oo Dad Shacab ah Ku Dilay Magaalada Marka Sh/Hoose.

Tuesday December 16, 2014 - 10:41:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo Dad Shacab ah Ku Dilay Magaalada Marka Sh/Hoose.

    Ciidamada AMISOM ee xoogg ku jooga Soomaaliya ayaa sare uqaaday dhibaatada ay ku hayaan shacabka muslimiinta gumeysi diidka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada AMISOM ee xoogg ku jooga Soomaaliya ayaa sare uqaaday dhibaatada ay ku hayaan shacabka muslimiinta gumeysi diidka ah.

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qafaal ballaaran lagula kacay shacab magaalada kadib markii shalay laba qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay bartamaha degmadaasi.

Goob joogayaal ayaa sheegay in meydka qof rayid ah oo ciidanka AMISOM toogteen saaka lagu arkay agagaarka masjikda Xaaji Black.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in meydka ay jirkiisa ka muuqdeen jirdil lagula kacay iyo rasaas madaxa iyo dhabarka lagala dhacay,boqolaal qoys oo horay u deganaa Marka ayaa isaga barakacay kadib markii ay xoogeysteen dhibaatada ay geysanayaan ciidamada gumeysiga AMISOM.

Related Items