Cabdi Cadde "Cumar Cabdi Rashiid Waa Siyaasi Aan Karti laheyn Amarrada Puntland ayuu ku Shaqeyn doona".

Tuesday December 16, 2014 - 11:55:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Cadde "Cumar Cabdi Rashiid Waa Siyaasi Aan Karti laheyn Amarrada Puntland ayuu ku Shaqeyn doona".

    Xilli Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshaynayo in uu R/wasaare u magacaabo Cumar Cabdi Rashiid oo horay ulasoo shaqeeyay Shariif Sheekh Axmed ayay siyaasiyiinta Soomaaliyeed jawaab celinno kala duwan ka bixinayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli Xasan Sheekh Maxamuud uu qorshaynayo in uu R/wasaare u magacaabo Cumar Cabdi Rashiid oo horay ulasoo shaqeeyay Shariif Sheekh Axmed ayay siyaasiyiinta Soomaaliyeed jawaab celinno kala duwan ka bixinayaan.

Cabdi Cadde oo katirsan siyaasiyiinta magaalada Xamar ayaa sheegay in Cumar Cabdi Rashiid uu dhan walba ka liito R/wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Xasan Gurguurte.

"Ina Cabdi Rashiid waa doqon aan miisaan siyaasadeed laheyn kaliya waa Nin Mareykanku soo anshax xumeeyay,uma malaynayo in Xasan Gurguurte uu ku nasan doono Cumar sababtoo ah Ninkani wuxuu toos ammarrada uga qaadan doonaa Maamulka Puntland”ayuu yiri Cabdi Cadde.


Falanqeeyayaasha siyaasadda DF-ka ayaa sheegaya in Xasan uusan soo mari doonin R/wasaare uga wanaagsanaa Cabdi Faarax Shirdoon marka loo eego dhanka jilacsanaanta.

Dagaalkii qaboobaa ee udhaxeeyay maamulka Cabdi Wali Gaas iyo DF-ka ayaa halkiisi kasii bilaaban doono,dowladaha sida dadban umaamulo Soomaaliya ayaa isku dayaya in Sharmaake iyo Xasan Sheekh ay isku hayaan illaa sanadda 2016-ka.

Si kasta oo dowladda Federaalka ee shisheeyaha kusoo hoggaamisay Soomaaliya hoggaanka looga bedelo waxba kumasoo kordhin doonaan Soomaaliya,shabaabul mujaahidiin iyo qabaa’iilada dega Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa halkooda kasii wadi doona halganka ay kula jiraan gumeystayaasha diinka iyo dalka kusoo duulay sida Itoobiya iyo Kenya.

Related Items