Faah Faahin:Dowladda Kenya oo Mamnuucday 510 Ururo iyo Hay'ado Samafalka Ka Shaqeeya ah.

Wednesday December 17, 2014 - 14:04:34 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Dowladda Kenya oo Mamnuucday 510 Ururo iyo Hay'ado Samafalka Ka Shaqeeya ah.

    Xilli ammaanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay xukuumadda Uhuru Kenyatta ku dhawaaqday in lakala diray hay'ado iyo Ururo samafalka ka shaqeynayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka Kenya uu faraha kasii baxayo ayay xukuumadda Uhuru Kenyatta ku dhawaaqday in lakala diray hay'ado iyo Ururo samafalka ka shaqeynayay.

Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya  in 510 NGO-yo iyo mu’asasaad gargaarka ka shaqeeya ah la mamnuucay kadib markii lagu eedeeyay in ay taageerayeen waxa loogu yeero Argagaxisada,ilo wareedyo ayaa sheegaya in ururada lamamnuucay qaarkood ay mashaariic ka wadeen dhulka ay ku xoogganyihiin muslimiinta Kenya.

"Ururo maalgelinayay argagaxisada bariga Afrika ayaa lamamnuucay hantidooda taal Bankiyada Kenya waa la xayiray”ayaa lagu yiri war kasoo baxay dowladda Kenya.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in 15 Urur islaami ah oo samafalka ka shaqeynayay ay dowladda Kenya irdaha isugu laabtay,jiha wareerka dhanka ammaanka ah ee Kenya kajira ayaa sababay in xukuumadda Kenya ay si aan kala sooc laheyn uxirto hay’adaha iyo Ururadan oo larumeysanyahay in dhaqaale xooggan uu kasoo galo dowladda.

Afhayeen u hadlay xukuumadda Nairobi ayaa xaqiijiyay in laxayiray ururo aan dowli aheyn isagoo ku eedeeyay in ay iska dhega tireen dalabaad xukuumadda uga yimid oo ku aadanaa in ay bixiyaan caddeymo ku aadan shaqada ay qabtaan.

Related Items