Qaraxyo Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baraawe.

Wednesday December 17, 2014 - 19:43:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Gaadiid Looga Gubay Ciidamada AMISOM oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baraawe.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha hoose ayaa sheegaya in qaraxyo xooggan lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka Dowladda Federaalka.



Ilo wareedyo ayaa sheegaya in sedax gaari lagu gubay wadada isku xirta degmooyinka Buula Mareer iyo Baraawe,wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada shabaabu Mujaahidiin ay weerar dhabagal ah u dhigeen cadawga qaraxyada kadib.

Goob joogayaal ayaa sheegay in goobta gaadiidka lagu gubay ay soo gaareen ciidamo gurmad ah oo katirsan shisheeyaha AMISOM iyagoona dhimasho iyo dhaawac farabadan goobta ka daad gureeyay.



Shalay ayay aheyd markii degmada Baraawe qarax lagula eegtay gaari uu watay sarkaal katirsan maleeshiyaadka dabadhilifyada DF-ka ee shisheeyaha soo duulay la shaqeeya.

Related Items