Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Madoow Ee Cumar Cabdi Rashiid R/Wasaaraha Cusub Ee Dowlada Federaalka Warbixin.

Wednesday December 17, 2014 - 20:10:33 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Taqaan Taariikhda Madoow Ee Cumar Cabdi Rashiid R/Wasaaraha Cusub Ee Dowlada Federaalka Warbixin.

    Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka ayaa maanta gelinkii dambe R/wasaare ugamacaabay Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake oo ah siyaasi soomaali mareykan ah islamarkaana intabadan noloshiisa kusoo qaatay qurbaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka ayaa maanta gelinkii dambe R/wasaare ugamacaabay Cumar Cabdi Rashiid Sharmaake oo ah siyaasi soomaali mareykan ah islamarkaana intabadan noloshiisa kusoo qaatay qurbaha



Xaflad ka dhacday madaxtooyada magaalada Muqdisho ayuu xasan Sheekh ku shaaciyay in ina Cabdi Rashiid uu yahay R/wasaaraha cusub ee DF-ka islamarkaana uu soo dhisi doono xukuumad cusub.

Sharmaake oo isna hadal kooban ka jeediyay munaasabadii lagusoo magacaabayay ayaa sheegay in waxbadan uu ka qaban doono maamulka DF-ka isagoo carrabka ku adkeeyay in hoggaanka DF-ka uu gaarsiin doono doorashooyin sanadda 2016-ka.


Taariikhda Madoow ee Cumar Cabdi Rashiid.

inkastoo uusan ku cusbeyn siyaasadda dabadhilifnimada ku dhisan ee Soomaaliya oo uu horay R/wasaare usoo noqday xilligii Shariif Sheekh Axmed hadane waa cunsur kale oo khiyaamo qaran ku tallaabsaday.

Cumar Cabdi Rashiid ayaa xiligii uu R/wasaaraha ahaa waxay xukuumaddiisu dowladda Kenya ka iibisay badda Soomaaliya waxaana heshiiskii badda soomaaliya lagu siiyay Kenya sanaddii 2009 saxiixay Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo xiligaasi ku magacaawnaa wasiirka qorshaynta qaranka..

Ina Cabdi Rashiid ayaa xiriir sokeeye laleh dowladda Nasaarada Itoobiya isagoo xiligii uu xilka hayay booqashooyin isdaba joog ah ku tegi jiray Addis Ababa islamarkaana kulama ku aadan qabsashada soomaaliya lasoo qaadan jiray Males Zenaawi R/wasaarihii halaagsamay ee Itoobiya.

Wareysi  horraantii sanaddii 2009 uu siiyay idaacadda VOA-da qeybteeda English-ka ayuu ku sheegay in Soomaaliya aan lagu maamulin doonin shareecada islaamka oo isagu uu ku tilmaamay mid dib dhac ah!!,isagoo xilligaasi ka jawaabayay ishaacaad ay fidinayeen xubnihii baarlamaanka garabkii shariif oo ansixiyay in soomaaliya shareecada islaamka lagu maamuli doono ujeedkooduna wuxuu ahaa in ay taageerayaasha mujaahidiinta ku dhagraan.

Cumar Cabdi Rashiid ayaa shakhis ahaan wuxuu isticmaalaa Khamriga xaaraamta ah waana Nin caan ku ah naceybka dadka ahlu Towxiidka ah oo uu ku sifeeyo Argagaxiso.

Dadka yaqaan Cumar waxay ku sheegaan calmaani Laybareelli ah oo aaminsan in diinta iyo dowladda lakala geeyo,qofkii diin islaam raba hagalo masaajidda qofkii dowlad iyo maamulkeed rabana beesha caalamka haku daba fayllo!!.

Muxuu kusoo kordhin karaa DF-ka.

Dadka falanqeeya arrimaha dowladihii Federaalka ee soomaaliya soo maray waxay sheegayaan in waxba uusan soo kordhin Karin sababa jira aawgeed balse uu sii xoojin doono khilaafaadka udhaxeeya maamullada Puntland iyo Muqdisho.

Related Items