Ciidamada Siiraaliyoon oo Jubbada Hoose Ka Baxaya iyo Warar Sheegaya in Ciidanka Itoobiya Kismaayo Lawareegayaan.

Thursday December 18, 2014 - 14:08:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Siiraaliyoon oo Jubbada Hoose Ka Baxaya iyo Warar Sheegaya in Ciidanka Itoobiya Kismaayo Lawareegayaan.

    Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta wilaayada Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidamada gumeysiga Kenya iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay bandaw adag kusoo rogeen xaafadaha magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta wilaayada Jubbooyinka ayaa sheegaya in ciidamada gumeysiga Kenya iyo maleeshiyaadka Axmed Madoobe ay bandaw adag kusoo rogeen xaafadaha magaaladaasi.



Gebi ahaanba suuqyada ganacsiga kismaayo ayay albabaadu ulaabanaayeen halka waddooyinka halbowlayaasha magaalada ay xiranyihiin waxaana la arkayaa ciidamo Kenyaan ah iyo maleeshiyaadka Axmed madoobe oo shacabka ka celinaya waddooyinka.

Wafdi uu hoggaaminayo xasan gurguute hoggaamiyaha DF-ka ayaa ka degay garoonka diyaaradaha kismaayo,ilo wareedyo ayaa sheegaya in xasan garguurte uu ka qeyb galay xaflad lagu sagootinayay ciidamada siiraaliyoon oo lafilayo in maalmaha soo socda ay isaga baxaan deegaanno ay uga suganyihiin Jubbada Hoose.



Wararka ayaa intaasi ku daraya in saraakiil katirsan xabashida Itoobiya ay kismaayo ku suganyihiin iyagoo u gogol xaaraya sidii ciidamo itoobiyaan ah kismaayo loo geyn lahaa.

Wararka qaar ayaa sheegaya in magaalada kismaayo laga saari doono ciidanka Kenya oo lageyn doono deegaannada taabto,afmadoow illaa iyo dhoobley oo ciidamada siiraaliyoon banaynayaan.

Khilaafaad daran ayaa bilihii lasoo dhaafay ka dhax taagnaa dowladaha ciidamadoodu duullaanka kusoo qaadeen soomaaliya kuwaasi oo ku aadan lacagaha mushaaraadka ah oo ay qaataan.

Related Items