Ciidamo Katirsan Maamulka Puntland oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Boosaaso.

Thursday December 18, 2014 - 20:43:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan Maamulka Puntland oo Lagu Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Boosaaso.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee waqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo katirsan maamulka Puntland isku magacaabay.

Weerar ay fuliyeen ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu dilay sedax katirsan ciidamada maamulka Puntland isku magacaabay ee ka howlgala deegaanka Galgala.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in shiishyahanada Mujaahidiinta Al Shabaab ay dileen sedax askari xilli ay ku sugnaayeen gudaha deegaanka Galgala.

Goob joogayaal ayaa sheegay in markii weerarku dhacay kadib ay maleeshiyaadka maamulka Puntland ay madaafiic ku garaaceen buurta Galgala.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka Puntland iyo mujaahidiinta buuraha Goolis oo ku aaddan weerarka maanta ka dhacay deegaanka Galgala.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items