Ciidanka Lugta Mareykanka oo Ku Biiray Dagaalka Ciraaq iyo dowladda Islaamiga ah oo Dhul qabsatay.

Saturday December 20, 2014 - 12:26:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidanka Lugta Mareykanka oo Ku Biiray Dagaalka Ciraaq iyo dowladda Islaamiga ah oo Dhul qabsatay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada Mareykanka iyo dowladda Islaamiga ah markii ugu horreysay ay ka socdaan gobolka Ramaadi 4 sanadood kadib markii Mareykanku uu Ciraaq ka baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Ciraaq ayaa sheegaya in dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada Mareykanka iyo dowladda Islaamiga ah markii ugu horreysay ay ka socdaan gobolka Ramaadi 4 sanadood kadib markii Mareykanku uu Ciraaq ka baxay.

Warbaahinta maxalliga Ciraaq waxay sheegtay in cutubyo katirsan ciidanka Mareykanka ay ku biireen dagaalka mandiqadda Albaqdaadiyah kadib markii kumanaan katirsan ciidamada dowladda Islaamiga ah ay halkaasi weerar ku qaadeen.

Sarkaal u hadlay ciidamada Mareykanka ee Bariga dhexe ayaa xaqiijiyay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan saldhigga Ceynul Asad ee duleedka magaalada Ramaadi amar lagu siiyay in ay isdifaacaan.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogaga IS ay isku dayayaan qabsashada mandiqadda istiraatiijiga ah ee Albaqdaadiyah,shabakadda Aljazeera ayaa baahisay ila wareedyo sheegaya in ciidanka lugta mareykanka ay dagaal toos uga qeyb gelayaan sidoo kale diyaaradaha isbaheysiga sheydaaniga ah ayaa dhanka cirka uga qeyb qaadanaya dagaalka.

Maleeshiyaadka shiicada xukuumadda ciraaq iyo kuwa saxawaadka ayaa si xun loogu jebiyay dagaallada Al-anbaar ka socda taasi ayaana keentay in ciidanka Mareykanku ay ka fursan waayaan dagaal muwaajaha ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items