Ku Dhawaad 10 Askari oo AMISOM looga Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baraawe.

Saturday December 20, 2014 - 15:08:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 10 Askari oo AMISOM looga Dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Magaalada Baraawe.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanno katirsan gobolka shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degaanno katirsan gobolka shabeelaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya deegaanka Anbareeso ee duleedka magaalada Baraawe ayaa sheegaya in ciidamo katirsan shabaabul Mujaahidiin ay xalay fiidkii weerar xoog kugal ah ku qaadeen saldhigga ciidamada shisheeyaha AMISOM.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in dagaallo saacado badan qaatay ay ka dhaceen gudaha saldhigga ciidamada shisheeye,ugu yaraan 7 katirsan ciidamada AMISOM oo mid kamida ahaa sarkaal ayaa laxaqiijiyay in lagu dilay dagaalkii xalay.


Wax war ah kamasoo bixin dhanka taliska ciidamada AMISOM oo ku aaddan weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Anbareeso.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items