Sarkaal Muqdisho Lagu Weeraray iyo Gaari AMISOM Laheyd Oo Qarax Lala Eegtay.

Sunday June 22, 2014 - 11:29:43 in Wararka
  • Visits: 1592
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Muqdisho Lagu Weeraray iyo Gaari AMISOM Laheyd Oo Qarax Lala Eegtay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo xalay siyaaba kala duwan uga dhacay degmooyin katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo xalay siyaaba kala duwan uga dhacay degmooyin katirsan magaalada Muqdisho.
Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid ku weeraray sarkaal katirsanaa ciidanka Melleteriga dowlada Federaalka.

Goob joogayal ayaa sheegay in Col.Cali Max’med Geedi si xun loo dhaawacay kadibna loola cararay isbitaal kuyaal magaalada Muqdisho.

Ragga weerarka geystay ayaa la sheegay in ay dhimasho ahaan uga tageen Col-ka balse waa dhaawac waxaana xaaladiisa caafimaad la tacaalaya dhaqaatiirta isbitaalka Keysaneey.


Dhinaca kale qarax ka dhacay Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ayaa lagu waxyeeleeyay gaari nuuca gaashaaman ah oo ciidanka AMISOM wateen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in miino dhulka lagu aasay ay burburisay koofanaha hore ee Gaari Taaw ah,ammaanka Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya waxaana ammaan geli la’ saraakiisha dowladda iyo gaadiidka ciidanka shisheeye.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items