Dagaal Khasaara Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Itoobiya Oo Degmada Ceelbuur Ka Dhacay.

Sunday June 22, 2014 - 12:14:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Khasaara Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Itoobiya Oo Degmada Ceelbuur Ka Dhacay.

    Ciidamada wilaayada islaamiga Galguduud ayaa xalay weeraro culus ku qaaday saldhigyada ciidamada gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin degmada Ceelbuur.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada wilaayada islaamiga Galguduud ayaa xalay weeraro culus ku qaaday saldhigyada ciidamada gumeysiga Itoobiya ku leeyihiin degmada Ceelbuur.


Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in dagaallo culus oo saacado badan qaatay ay xalay saqdii dhexe ka dhaceen gudaha degmada.

Dad ku sugan duleedka Ceelbuur ayaa sheegay in xalay ay maqlayeen daryanka rasaasta iyo madaafiic xooggan oo lays dhaafsanayay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay burburiyeen dhowr difaac oo ciidanka Xabashida Itoobiya ku lahaayeen gudaha degmada.


Mid kamida talisyada ciidamada Gumeysiga Itoobiya ayuu dab qabsaday waxaana sheedda sare ee magaalada laga arkayay holac ka baxayay magaalada.

Dabayaqaadii bishii Maarso ee sanadkan ayay ciidamada Itoobiya qabsadeen degmada Ceelbuur wixii xilligaasi ka dambeeyay ayay wajahayeen go’doomin ay kala kulmeen mujaahidiinta Al Shabaab iyo dadka deegaanka.

Related Items