Ciidamada AMISOM oo Faarujiyay Saldhigii Ugu Weynaa oo ay ku lahaayeen Degmada Huriwaa.

Sunday June 22, 2014 - 13:48:24 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Ciidamada AMISOM oo Faarujiyay Saldhigii Ugu Weynaa oo ay ku lahaayeen Degmada Huriwaa.

    Dad ku sugan degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada katirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ay isaga baxeen degmada Huriwaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad ku sugan degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada katirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah shisheeyaha AMISOM ee Soomaaliya ku sugan ay isaga baxeen degmada Huriwaa. Dhismihii washaradda Barafuunka oo kaabiga ku haya isgoyska SOS ee magaalada Muqdisho ayay ciidanka Burundi ka guureen kadib dagaallo is xigxigay oo bilihii lasoo dhaafay ay kala kulmayeen xoogaga Al Shabaab.

Dad shacab ah ayaa maanta barqadii isugusoo baxay Warshadda Barafuunka balse maanta barqadii waxaa halkaasi tegay maleeshiyaadka PS-ta loo yaqaan iyagoona dad shacab ah raafay.

Degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa badanaa waxaa ka dhacay weeraro lala bartilmaameedsado ciidamada shisheeye iyo kuwa DF-ka shacabka ku dhaqan degmooyinkaasi ayaa caan ku ah taageerada ay u hayaan xarakada Al Shabaab.


illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin taliska AMISOM oo ku aadan ka guuritaanka saldhiggii ugu weynaa oo ay ku lahaayeen degmada Huriwaa.


Liibaan Jeexoow Cabdi SomaliMeMo
Muqdisho,Soomaaliya

[email protected]


Related Items