Ku Dhawaad 10 Katirsan Ciidanka DF-ka Oo Degmada Afgooye Lagu Dilay.

Monday June 23, 2014 - 10:52:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 10 Katirsan Ciidanka DF-ka Oo Degmada Afgooye Lagu Dilay.

    Ku Dhawaad Toban askari oo katirsan ciidanka Dowladda Federaalka ayaa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Meydka Askari hore oo ladilay
Ku Dhawaad Toban askari oo katirsan ciidanka Dowladda Federaalka ayaa lagu dilay degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

Goob joogayaal ku sugan Afgooye ayaa sheegay in askari hubeysan uu mar qura dilay 5 askari kadibna isagii ay toogteen ciidamo kale oo ku sugnaa isbaaro gaadiidka lacagaha baadda ah looga qaado.

Dhacdadan oo saameyn ku yeelatay Afgooye ayaa timid markii askari xasuuqa geystay maalmo ka hor ay qoray uu watay ay xoog uga qaateen 5-ta askari ee uu dilay waxaana la sheegay in caro uu qabay aawgeed uu askarta kale u laayay.


Dhinaca kale dagaal beeleedyo ayaa lagasoo sheegayaa deegaanka No.50 ee gobolka shabeelaha Hoose,warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in laba maleeshiyo ay shalay gelinkii dambe ku dagaalaneen No.50.

Degmooyinka iyo deegaanada sharciga islaamka lagu maamulo ee shabeelaha Hoose waxaa kajira nabad gelyo buuxda dilalka iyo dhaca hantida dad weynaha ayaa mamnuuc ka ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items