Faah Faahin: Xoogaga Al Shabaab oo Ku Dhawaad 10 Askari Ku Dilay Weerar Gaadma ah Duleedka Baydhabo.

Friday January 02, 2015 - 14:28:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Xoogaga Al Shabaab oo Ku Dhawaad 10 Askari Ku Dilay Weerar Gaadma ah Duleedka Baydhabo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar gaadma ah oo xalay saqdii dhexe ka dhacay halka loo yaqaan (Isku darka) lagu dilay maleeshiyaad Amxaara kalkaal ah oo ilaala ka hayay koontaroolka Bay iy Bakool isku xira.

Ilo wareeydo ayaa sheegaya in xoogaga Al Shabaab ay weerarka ku kediyeen maleeshiyaadka Itoobiya taabacsan xilli ay hurdayeen waxaana dhimasho iyo dhaawac noqday dhammaan wixii ciidan ahaa ee isku darka ku sugnaa.


Sarkaal u hadlay DF-ka ayaa sheegay in 7 askari looga dilay weerarka 8 kalane dhawacyo soo gaareen sidoo kale weerar dhabagal ah oo saaka aroortii ka dhacay wadada laamiga ah ee xiriirisa Daynuunay iyo Baydhabo ayaa lagu dilay 3 sarkaal oo katirsanaa ciidanka Melleteriga DF-ka.

Waa weerarkii ugu khasaaraha badnaa oo cadawga lagula beegsado gobolka Bay tan iyo markii Shariif Sakiin loo caleema saaray hoggaamiyaha maamul ku sheegga Koonfur galbeed Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items