Waran Cadde "Somaliland Waxay Sameysatay Baasaboor Kamadax Banaan Midka Soomaaliya Laga isticmaalo".

Monday June 23, 2014 - 11:33:53 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waran Cadde "Somaliland Waxay Sameysatay Baasaboor Kamadax Banaan Midka Soomaaliya Laga isticmaalo".

    Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland isku magacaabay Cali Max'med Waran cadde ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ku sheegay in ay sameysteen dalku gal cusub oo Somaliland u gaar ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somaliland isku magacaabay Cali Max'med Waran cadde ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa ku sheegay in ay sameysteen dalku gal cusub oo Somaliland u gaar ah.

Isagoo warbaahinta lahadlayay ayuu sheegay in waqti aan dheerayn ay deegaanada uu kajiro maamulka Somaliland laga mamnuuci doono Baasaboorka cusub ee DF-ka.

"Maamulka Somaliland wuxuu guuleystay in uu sameysto E-passporkan cusub oo runtii meesha ka saaraya baahidii dadkeenu u qabeen dalku gal soomaaliya”ayuu yiri Waran cadde.

Maamulka Hargeysa ayaa si cad u sheegay in dhaqangelinta E-passporkan cusub ay bilaaban doonto ka hor bisha Carafo ee sanadkan.


"Dalku galkan cusub waxaan uga maarmaynaa E-passporkii hore ee Soomaaliya runtii waa tallaab horay loo qaaday oo soo dadajinaysa aqoonsiga Somaliland”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Waran cadde.

Maamulka uu madaxda ka yahay Axmed Siilaanyo ee ka arrimiya gobollada waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa isku arka dal gooni ah oo soomaaliya inteeda kale ka madax banaan.

Liibaan Jeexoow
Cabdi SomaliMeMo
Muqdisho

[email protected]


Related Items