Gabayga Ciraaq iyo Cabdulaahi Soomaali.

Monday June 23, 2014 - 18:09:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gabayga Ciraaq iyo Cabdulaahi Soomaali.

    Nin geeliisu uu curayayoo caano badan yeeshay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin geeliisu uu curayayoo caano badan yeeshay,



Ama ari cadiiboy qaba wananya ceesaamo,

Martiduu casuumaa durbaa ceesh la kulantaaye,

Caafimaad ninkii baran jiraa cudur daweeyaaye,

Aniguna waxaan caan ku ahay curinta suugaane,

Bal aan reer ciraaq wixii ka jira caawa sumadeeyo,

Caddaankii ku soo duulay shalay ee cagaha gooyay,

Inkastoow caraaboo mar hore cararay oo guuray,

Kuwii uu cimaamadaha hayee ceynaanka u dhiibay,

Cadawguu barbaarinahayee ina ciqaabaayay,

In ay ceel ku sii dhaca hayaan aan cawada sheego,

Waashintoon in ay calawsan tahay oo cuqdadu hayso,

Landhanna cabaadkeed baxaa caynka ka higaadsho.

Kufrigii cardiifyada lahaa wey cabsanayaane,

Cariiriyo dhib baa soo koray iyo culeysaade,

Cucubkiyo wixii ay dhiseen caynkaa loo jaray’e,

Caloolyoow huradii ka tage cunid warkeed daaye,

Cawa noolba wey shira hayaan ciilka gubayaaye,

Cambaareyn iyo caytan bey ciirsi u arkaane,

Ha yeeshii cudud iyo la waa ciidan fara weyne,

Ciraaq shiicadeedii hadaan cidi gar gaareynin,

Sunigana cirkaa mara hayoo caadka sara gaaray,

Ceelashii shidaalkana qabsaday caadil mahaddiiye,

Maaliki codsigiisiyaan cidi u howshoone,

Asigaaba eed loo celshiyo hadal canaaneede

Durbaba is casil ku dhehe codaan qarsooneyne,

Waa Cub cakiran caal heli waaye,

Mugdi cufan Cirkoo da’ahayoo caadku wada daahay,

Coofle aar carro uu jiroo cadaad iyo keyn leh,

Haddii aad Caga saarta waa laguu cabsoodaaye,

Galaadii is coofaari jiray car na dhihi waaye,

Casiisbaa awooddaa iska leh caadka sare gaadhay.

Obaama Cataawgii la maqal cabashadiisiiye,

Markab caariyay iyo sidii doon ciladu hayso,

Maraykan inuu ciiraybay tahay cadeynteede,

Ninka caad ka fuulaa niyada cudur ka haayaye,

Ama caalla weeyiyo doqon aan caqli lahayne,

Anse wey cadaatay inuu sii cimriye haynin.

Ingiriiska caawin iyo caabin laga waaye,

Calaaqaadki iiraan inuu soo ceshado mooyee,

Cirbad kale inaanu dun geleyn caalamka u sheegye,

Haddii beri la cowryi jiroo laga cabsoonaayay,

Calankiisu wuu dega hayaa waana cudud beelye,

qalbiyadise caabuqay war kaan u cuntami waaayay.

Alleylahe ciraaq wixi ka dhacay way cajebiyeene,

Khanimadaan cadad go’an lahayn sida cadaankaaye,

Hub wixii calaqnaa iyo gaadiid kala cayne,

Doolarkii camirraa bartee cawska loo qabayay,

Cidna may fileynine rabbaa nooga dhigay coode,

Calankii islaamkana waa kaa aan la celineyne,

Oo midkii casaanka ahaa ciidda laga jiidye,

Nasrigii inuu curayay bay tahay cadeynteede,

Nuseyradow in aan cirib go’no u carbiyay gaalku,

Wax dhanbey caruur iyo haween cunaha gooyeene,

Wax dhanbey oday cad ah dileen caalim iyo sheekhe,

Wax dhanbey calool naga qubeen nana canaadeene,

Cuqubadi haday haysataa caadiga ahayde,

Cadceedoo kaleetow nabsigi soo carceersadaye,

Cisi iyo in aan sharaf heloo aan carrada haysto,

Adna carun an kaa daadiyaa caadil mahadiiye.

Iiraaney calwa saadka daa codadka dhaartaaye,

Sidi in aad cirka hayso ood naga celineysay,

Cabsi gelinta weeraha ahood caawo tebineyso,

Caw cawda iska dhaaf iyo warkaan lagu canaanyoone,

Curfigiyo awalbaan dhibsaday caada xumadaade,

Adigiyo kuwaan ceyrsan baa wada caqiidaaye,

Cafis nama dhexyaaliyo wanaag iyo calaa qaade,

Camiroo dagaalada imaaw cudud hadaad hayso,

Cabaadna iska dhowr yo in aad jeer xun cabataaba.

 



Related Items