Sh/Xudeyfa "Afar Gaari Ayaan Ka Gubnay Kenya Askarna Waan Ka Leynay" Dhageyso.

Monday June 23, 2014 - 18:34:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3195
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Sh/Xudeyfa "Afar Gaari Ayaan Ka Gubnay Kenya Askarna Waan Ka Leynay" Dhageyso.

    Waaliga maamulka islaamiga ah ee Jubooyinka Sh/Cabdiraxmaan Xudeyfa oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar culus oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Badhaadhe iyo degaanka Kulbiyow ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaliga maamulka islaamiga ah ee Jubooyinka Sh/Cabdiraxmaan Xudeyfa oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa faahfaahin ka bixiyay weerar culus oo maanta ka dhacay inta u dhaxaysa degmada Badhaadhe iyo degaanka Kulbiyow ee Jubooyinka.


Sheekha ayaa sheegay in saaka aroortii ay mujaahidiintu weerar dhabba-gal ah u dhigeen ciidamada Kenya oo kolonyo ah ayna gaarsiiyeen khasaarooyin isugu jira hanti iyo naf intaba.

Isagoo faah faahinayay khasaaraha ayuu sheegay in ay mujaahidiintu ay Kenyaatiga ka gubeen afar gaari sidoo kalana ay ka dileen in kabadan toban askari.

Sidoo kale Sheekh Xudeyfa oo aan wax ka weydiinay waxa ka jira war saxaafadeed maanta kasoo baxay ciidamada shisheeye ayna ku sheegteen in ay duqeyn ku dileen sideetan mujaahidid ayuu sheegay iney arrintaasi wax kama jiraan tahay.


"Maalintii khamiista ayey wax ku tuur tuureen meel duur ah mana jirto cid wax ku noqotay, laakin ujeedada ay maanta ugu soo beegeen ayaa ah mid ay ku qarinayaan khasaaraha saaka gaarayā€¯ ayuu yiri Sh/Cabdiraxmaan Xudeyfa waaliga Jubooyinka.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Sh Cabdiraxmaan Xudeyfa Waaliga Jubooyinka MP3




Related Items