Dhageyso:Xukun Dil Ah Oo Lagu Fuliyay Askari Ka Tirsanaa DF-ka Oo Ka Dhacay Sh/hoose.

Sunday January 18, 2015 - 22:27:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Xukun Dil Ah Oo Lagu Fuliyay Askari Ka Tirsanaa DF-ka Oo Ka Dhacay Sh/hoose.

    Askari 64 sano jir ahaa oo ka tirsanaa ciidamada Boliska DF kana hawl galayay Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa maanta lagu fuliyay xukun dil ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Askari 64 sano jir ahaa oo ka tirsanaa ciidamada Boliska DF kana hawl galayay Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa maanta lagu fuliyay xukun dil ah.

Qaadiga ayaa sheegay in askariga oo lagu magacaabi jiray Axmad Cali Geedi uu qirtay eedeymo loo soo jeediyay oo sheegayay inuu dowladda ka tirsan yahay, sidoo kale waxay maxkamaddu soo bandhigtay aqoonsigii askariga oo uu sawirkiisa ka dhex muuqdo.

Intaa kadib qaadiga ayaa ku dhawaaqay in xukunka askariga yahay dil, iyadoo islamarkiina fagaaraha lagu toogtay.



Dadweynaha ayaa takbiirta ku dhawaaqayay mudadii xukunka la fulinayay. Dhawaan ayey ahayd markii degaan ka tirsan gobolka Sh/dhexe sidan oo kale xukun dil ah loogu fuliyay askari ka tirsanaa milatariga dowladda.

Sidoo kale waxaa usbuucyo ka hor xukuno lagu fuliyay rag jawaasiis ahaa ay ka kala dheceen gobolada Gedo iyo Hiiraan.

Basaasiinta lagu dilay Gedo ayaa labo kamid ah waxay u shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka ee CIA, halka labada kale ay u kala shaqeynayeen Itoobiya iyo DF.

Halkan Ka Dhageyso Xukun Xadu Rida Ah Sh hoose

Related Items