Faah Faahin:Xoogag Hubeysan Oo Dad Ku Laayay Gudaha Dalka Kenya.

Tuesday June 24, 2014 - 10:53:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Xoogag Hubeysan Oo Dad Ku Laayay Gudaha Dalka Kenya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara badan dhaliyay lagu qaaday deegaan katirsan degmada Lamu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara ka dhashay weerar hore oo Kenya ka dhacay
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara badan dhaliyay lagu qaaday deegaan katirsan degmada Lamu.

Saraakiisha booliska Kenya ayaa sheegay in 5 qof ay dhinteen tira kalane dhaawacyo soo gaareen kadib markii xoogag hubeysan ay weerar ku ekeeyeen deegaanka WITU.

Weerarka oo xalay saqdii dhexe dhacay waxaa lala eegtay deegaan ay ku badanyihiin dadka Beeraleyda Nasaarada Kenya,dad ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in xoogaga weerarka geystay ay si aad ah uhubeysnaayeen.

Weerar isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay duleedka Lamu waxaa lagu dilay ku dhawaad 100 waxaana beenoobay balanqaad uu madaxweynaha Kenya u jeediyay shacabka oo ahaa in ammaanka Muwaadiniinta uu sugi doono.


Ammaanka Kenya ayaa faraha kasii baxayaysanadadii lasoo dhaafay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidanka gumeysiga Kenya duullaanka gardarada ah kusoo qaadeen soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo Muqdisho

[email protected]


Related Items