Dagaallo Ka Socda Magaalada Sancaa Shiicada Xuuthiyiinta oo Qarka Usaaran Qabsashada Madaxtooyada Yemen.

Monday January 19, 2015 - 10:58:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 40
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Ka Socda Magaalada Sancaa Shiicada Xuuthiyiinta oo Qarka Usaaran Qabsashada Madaxtooyada Yemen.

    Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan magaalada Caasimadda ah ee Sancaa xilli maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay isku dayayaan qabsashada madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Yemen ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka socdaan magaalada Caasimadda ah ee Sancaa xilli maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ay isku dayayaan qabsashada madaxtooyada.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka shiicada ay weerar qorshaysan ku qaadeen ciidamada Xarasul Jamhuuriga ee ilaalada ka haya qasriga madaxtooyada.

Wariyaal ayaa sheegay in dagaallada xoogooda ay ka socdaan Koonfurta magaalada gaar ahaan hareeraha qasriga madaxtooyada oo uu ku suganyahay Cabdi Rabih Haadi Mansuur hoggaamiyaha xukuumadda dabadhilifka Yemen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shiicada Xuuthiga ay isku dayayaan qabsashada qasriga madaxtooyada maalma ka hor ayay maleeshiyaadkani qafaasheen agaasihii madaxtooyada waxaana larumeysanyahay in ay si tartiib tartiib ah ugusii gurguuranayaan qasriga dalka looga arrimiyo.


Bishii September 2014 ayay shiicada wakiillada ka ah iiraan qabsatay magaalada Sanca iyo intabadan magaalooyinka istiraatiijiga ah ee Yemen.

Related Items