Weerar Hubeysan oo lagu Qaaday Saldhigga Booliska Degmada Wardhiigleey Muqdisho.

Monday January 19, 2015 - 11:36:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hubeysan oo lagu Qaaday Saldhigga Booliska Degmada Wardhiigleey Muqdisho.

    Ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka Dowladda Federaalka ku leeyihiin degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday saldhig ciidanka Dowladda Federaalka ku leeyihiin degmada Wardhiigleey ee magaalada Muqdisho.

Xalay fiidkii ayay dagaallo culus ka dhaceen xarunta saldhigga booliska degmada Wardhiigleey,goob joogayaal ayaa sheegay in xoogag hubeysan oo taabacsan xarakada Al Shabaab ay madaafiicda garbaha laga gemo laheleen saldhigga kadibna waxaa bilaawday dagaallo fool ka fool ah.

Jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is weydaarsanayeen ayaa laga maqlayay xaafado katirsan degmada Wardhiigleey,lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka Alpha Group iyo ciidamada shisheeyaha AMISOM ayaa maalintii 2-aad Howlgallo raaf ah ka wada xaafado katirsan degmada Wadajir.

Related Items