Guddoomiyihii Degmada Afgooye oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

Monday January 19, 2015 - 11:54:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyihii Degmada Afgooye oo Lagu Dilay Duleedka Muqdisho iyo Al Shabaab oo Sheegatay.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax xooggan lala eegtay gaadiid ay la socdeen saraakiil katirsan Dowladda Federaalka ee gumeystaha la shaqeysa.

Goob Joogayaal ayaa xaqiijiyay in qarax ka dhacay deegaanka Xaawa Cabdi Lagu dilay Guddoomiyihii  Dowladda Federaalka ugu magacaawnaa  degmada Afgooye Cali Caddoow iyo laba kamid ah ilaaladiisa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in walxaha qarxa oo ku xirnaa gaariga sarkaalka uu qaraxa sameeyay waxaana dhaawac halis ah noqday 2 askari oo qeyb ka ahaa ilaalada Cali Caddoow.

Isbitaalka Xaawa Cabdi ayaa la dhigay askarta ku dhaawacantay qaraxa waxaana goobta wax ka dhaceen soo gaaray ciidamo katirsan DF-ka oo saldhigyo ku leh deegaanka Carbiska.


Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda dilka guddoomiyaha Afgooye.

sarkaal u hadlay Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in ciidankooda qaabilsan khaarijinta saraakiisha DF-ka ay weerarka fuliyeen "Mujaahidiintu waxay shacabka Muslimiinta degmada Afgooye ka hor leexiyiin Murtad dhibaata ku hayay Alle ayaa ku mahadsan noo fududeeyay Khaarijinta murtadkan dhibaatada waday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items