Ciidamada Itoobiya oo Boqolaal Dhalinyara ah Ka Raafay Magaalada Baydhabo Lacago Madax Furasha ahna dul dhigay.

Tuesday January 20, 2015 - 12:22:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Itoobiya oo Boqolaal Dhalinyara ah Ka Raafay Magaalada Baydhabo Lacago Madax Furasha ahna dul dhigay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in boqolaal qof shacab ah laga raafay xaafado katirsan magaalada Baydhabo oo gacanta ciidanka gumeysiga Itoobiya ku jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in boqolaal qof shacab ah laga raafay xaafado katirsan magaalada Baydhabo oo gacanta ciidanka gumeysiga Itoobiya ku jirta.

Maleeshiyaad taabacsan dagaal Ooge Cabdi Fataax Geeseey iyo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa iyagoo wata gaadiidka shabaqlayaasha waxay xaafadaha Baydhabo ka geysteen qafaal aan nuuciisa oo kale wali uga dhicin magaalada.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dadka laraafay oo ubadan dhalinyaro ay gaarayaan 240 ruux dhammaantoodna waxaa lageeyay saldhigyo ciidanka Itoobiya ku leeyihiin madaxtooyadii hore iyo garoonka diyaatadaha Baydhaba.


Cabdi Fataax Geesey oo ku magacaaban wasiirka arrimaha gudaha maamulka sedaxd gobolka ayaa ehellada dadka laraafay u sheegay in laga doonayo lacago madax furasha ah.

Magaalooyinka kujira gacanta gumeysiga Itoobiya waxaa kajira xadgudubyo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed.

Related Items