Ku Dhawaad 30 Qof oo Lagu Dilay Dagaal Beeleed Hiiraan Ka Dhacay iyo Ciidan Itoobiyaan ah oo Ka Qeyb qaatay.

Tuesday January 20, 2015 - 17:56:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 30 Qof oo Lagu Dilay Dagaal Beeleed Hiiraan Ka Dhacay iyo Ciidan Itoobiyaan ah oo Ka Qeyb qaatay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe ay soo gaareen dagaallo culus oo maanta barqadii ka bilaawday deegaanno dhaca duleedka magaalada Beled Weyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta gelinkii dambe ay soo gaareen dagaallo culus oo maanta barqadii ka bilaawday deegaanno dhaca duleedka magaalada Beled Weyne.

Ugu yaraan 27 qof ayaa dhintay 12 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii maleeshiyo beeleedyo hubeysan ay ku dagaalameen tuulooyinka kala ah, Xadda-oogle iyo Buurdhiinlle.

Wariye Nuur Cali Warsame oo Hiiraan ku sugan ayaa soo sheegay in ciidamo katirsan maamulka Itoobiya ee dhulka Somaligalbeed ay dagaalka kusoo biireen iyagoo kaalmaynaya mid kamida beelaha walaalaha ee dagaalamaya.

"Dagaallada duleedka Beled Weyne ka socda waxbadan ayay uga duwanyihiin dagaalladii hore waxaa ka qeyb qaadanaya gaadiidka Tiknikada iyagoo ay kusoo biireen Maleeshiyaadka dabaqoodhiga ee dhanka Itoobiya kasoo tallaabayā€¯ayuu yiri Nuur Cali Warsame.


Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in labada dhinac ay gurmadyo hor leh ka kala dirsadeen magaalada Beled Weyne iyo dhanka deegaanno katirsan dhulka Soomaalida ee Itoobiya gumeysato.

Ciidamada shisheeyaha ee ku sugan magaalada Beled Weyne ayaa larumeysanyahay in ay hubka isugu dhiibayaan shacabka soomaaliyeed ee sida macna darrada ah dhiigga isaga daadinaya.


Related Items