Maleeshiyaadka Shiicada Xuuthiyiinta oo Qabsaday Qasriga Madaxtooyada Yemen.

Tuesday January 20, 2015 - 18:08:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Shiicada Xuuthiyiinta oo Qabsaday Qasriga Madaxtooyada Yemen.

    Kadib dagaallo culus oo maalintii 2-aad galay ayay maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ugu suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Sancaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaallo culus oo maalintii 2-aad galay ayay maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ugu suurtagashay in ay si buuxda ula wareegaan gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Sancaa.

Wararka Yemen ka imaanaya ayaa xaqiijinaya in shiicada Majuusiyiinta wakiillada Iiraan ay qabsadeen qasriga madaxtooyada oo ah halka dalka Yemen laga maamulo.

Wariyaal ayaa soo sheegay in kumanaan katirsan maleeshiyaadka xuuthiga ay iqtixaameen qasriga madaxtooyada waxayna isku gedaameen dhismayaal gaar ah oo uu ku suganyahay Cabdi Rabih Haadi Mansuur madaxweynihii Yemen oo sida muuqata inqilaab melleteri lagu riday.


Boqolaal katirsanaa ciidanka Xarasul Jamhuuriga ayaa hubkooda ku wareejiyay cadawga shiicada iyagoona ku dhawaaqay in ay is dhiibeen.

Rasaas xooggan iyo qaraxyo ayaa laga maqlayaa qeybo badan oo Yemen katirsan waxaa fashilmay oo shaqeyn waayay Xabad joojin ay dhinacyadu shalay wada saxiixeen.

Xukuumaddii dabadhilifka Yemen ee 14-kii sanadood ee lasoo dhaafay la shaqeynaysay Mareykanka islamarkaana mujaahidiinta Al Qaacidada Jaziiradda Carabta la dagaalamaysay ayaa si fudud lagu riday.

Siyaasiyiin Yemeni ah waxay sheegeen in qorshahani yahay shirqool weyn oo lagu doonayo in dhulka xikmadda iyo iimaanka Yemen si fudud gacanta cadawga shiiciga ah loo geliyo.

Related Items