Akhriso:Xarakada Al Shabaab oo Bogaadisay Weerarkii Charlie Hebdo Ee Nabiga Loogu Aarguday Digniinna Udirtay Faransiiska.

Wednesday January 21, 2015 - 12:02:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Akhriso:Xarakada Al Shabaab oo Bogaadisay Weerarkii Charlie Hebdo Ee Nabiga Loogu Aarguday Digniinna Udirtay Faransiiska.

    Hoggaanka Xarakada Shabaab Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray weerarkii mujaahidiinta Al Qaacidda ku qaadeen xarunta wargeys Faransiiska laga leeyahay oo Paris kuyaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaanka Xarakada Shabaab Shabaabul Mujaahidiin ayaa war kasoo saaray weerarkii mujaahidiinta Al Qaacidda ku qaadeen xarunta wargeys Faransiiska laga leeyahay oo Paris kuyaal.



Bogaadintan oo ay la socotay farriimo isugu jiray digniin, baaq iyo mahad celin ayaa lagu faah faahiyay bayaan si rasmi ah kaga so baxay Hoggaanka Guud ee XSHM oo ay baahisay Mu’assasada Al-kataib oo ah garabka Warbaahineed ee Mujaahidiinta Soomaaliya.

Bayaankan oo ku qornaa Luqadaha Carabiga iyo English-ka ayaa ugu horeyn Muslimiinta ugu hambalyeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday Jariidad Faransiiska laga leeyahay oo aflagaadeysay Nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم iyadoona bayaanku uu sheegay rag ka mid ah dhalinta Umadda Muslimka inuu ALLAH ku salliday kuwii ijaafeeyay Nabigiisa صلى الله عليه وسلم .



"Waxaan halkani Umadda Muslimka ahi uga direynaa hambalyo iyo bogaadin ku aaddan howlgalkii halyeynimo ee dhawaan bartilmaameedsaday hooyga Sharta iyo Kufriga ee Xarunta Jariidadda "Charlie Hebdo", jariidadaas oo saxafiyyiinteedu ay meel ka dhacyo xun u geysteen Khaatamu –Russul, ahna Sayidkii Anbiyada, waa nabigeena Muxammad صلى الله عليه وسلم oo in badan ay gacmahooda Najaasta ahi sawireen muuqaallo ay ugu gafayaan Cirdigiisa, oo meel ay kaga dhacayaan sharafkiisa iyagoo isu- moodayay in aan loo ciqaabi doonin falalkaas, laakin maaney ogeyn in ALLAH Cazza Wajalla uu ka aargoosanayo qofkii ku xadgudba Xurmada Nabigiisa صلى الله عليه وسلم "ayaa lagu yiri bayaanka.

"Ugu danbeyntii Waxaan kaga digeynaa Faransiiska iyo kuwa la midka ah caaqibada ay ka dhaxli doonaan dagaalka ay kula jiraan Islaamka iyo dulmiga iyo gobad-fallada ay kula kacayaan Muslimiinta, Faransiiskuna Ammaan kuma naalloon doono intaba ay sidan u dhaqmayaan, laamiyada iyo waddooyinka Paris, Toulouse iyo magaalooyinka kalena waxey ALLAH idankiis masrax u noqon doonaan camaliyaatka Mujaahidiinta. Haddiise aad wax garataan, ku cibro qaata Camaliyaatkii u danbeeyay"

Halkan ka degso Bayaanka oo Carabi ah PDF

Halkan ka degso Bayaanka oo English ah PDF

Halkan ka degso Bayaanka oo aan Soomaali ku Tarjumnay DOC

 

Related Items