Dagaal Askar Looga Dilay Itoobiya oo Ka Dhacay Deegaan Hoos Yimaad Degmada Tiyeegloow.

Wednesday January 21, 2015 - 11:46:12 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Askar Looga Dilay Itoobiya oo Ka Dhacay Deegaan Hoos Yimaad Degmada Tiyeegloow.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo isku dayayay in ay boob ka geystaan goobo ganacsi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in weerar khasaara dhaliyay lagu qaaday ciidamo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan oo isku dayayay in ay boob ka geystaan goobo ganacsi.



Weerar dhabagal ah oo ciidamada muslimiintu ay u dhigeen Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah ayaa ka dhacay duleedka deegaanka Biyooley oo hoos taga degmada Tiyeegloow.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa xaqiijinaya dhimashada 2 askari oo katirsan maleeshiyaadka amxaara kalkaalka ah iyadoona hubkii ay wateen ay qaniimeysteen ciidamada shabaabul Mujaahidiin.

Wariye Bay iyo Bakool ku sugan ayaa soo sheegay in Meydadka Maleeshiyaadka Itoobiya taabacsan lagu arkay duleedka Biyooleey,wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidanka Itoobiya iyo xulufadooda ay dib ugu laabteen Tiyeegloow waxaana guul darreystay ujeedkoodi ahaa in ay raashin kasoo dhacaan goobaha ganacsiga Biyooleey.



Ciidamada gumeysiga Xabashida oo lagu go’doomiyay dhammaan degmooyinka gobolka Bakool ayaa wajahaya xaalad halis ah waxaana xusid mudan in ciidamada muslimiintu ay isha ku hayaan dhaq dhaqaaqa cadawga hareeraysan.

Related Items