Ciidamada Mujaahidiinta oo Howlgal Maxaabiis Lagusoo Furtay Ka Fuliyay Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool.

Thursday January 22, 2015 - 15:55:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo Howlgal Maxaabiis Lagusoo Furtay Ka Fuliyay Deegaanka Yeed Ee Gobolka Bakool.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanka Yeed oo bilihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaallo culus ay ka dhaceen deegaanka Yeed oo bilihii lasoo dhaafay ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya.

Wariye Bay iyo Bakool ku sugan ayaa soo sheegay in boqolaal katirsan ciidamada mujaahidiinta ay gudaha ugaleen Yeed halkaasi oo ay kula dagaalameen maleeshiyaadka Itoobiya ee Liyuu Booliska loo yaqaan.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada muslimiintu ay qabsadeen deegaanka Yeed ayna dileen ciidan katirsan cadawga Itoobiya,tobaneeyo katirsan maxaabiista muslimiinta ayay ciidamada shabaabul Mujaahidiin kasoo fakiyeen Xabsi kuyaal gudaha deegaanka Yeed.


Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in ciidamada muslimiinta ay maanta barqadii dib ugasoo gurteen Yeed iyagoona Maxaabiistii ay kasii daayeen xabsiga geeyay goob ammaan ah oo katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Related Items