Waddooyinka isku Xira Degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo Qabuuro u Noqday Ciidanka Itoobiya!.

Thursday January 22, 2015 - 11:15:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddooyinka isku Xira Degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuusamareeb oo Qabuuro u Noqday Ciidanka Itoobiya!.

    Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada muslimiinta iyo Xabashida Itoobiya ayaa maalintii 2-aad ka dhacay deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo culus oo u dhaxeeya ciidamada muslimiinta iyo Xabashida Itoobiya ayaa maalintii 2-aad ka dhacay deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel.

Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada mujaahidiinta Al Shabaab ay saaka aroortii weerar dhabagal ah u dhigeen kolonyo ciidamo Itoobiyaan ah oo dhanka Dhuusamareeb kasoo ambabaxay kunasii jeeday Ceelbuur.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqleen rasaas iyo qaraxyo,warar lagu kalsoonyahay waxay xaqiijinayaan in ciidamada dhabagalka loo dhigay ay gelbinayeen raashin saad ahaan ugu socda Itoobiyaanka ku sugan Ceelbuur.


Dhinaca kale ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay dagaal culus ku qabsaday deegaanka Ceelqooxle ayaa xalay ku barayay meel ku dhaw tuulada Maalin-nugur waxaana lafilayaa in ay soo gelbiyaan saadka ciidan ee dhanka Dhuusamareeb kasoo dhaqaaqay.

Itoobiyaanka ayaa dhib badan kala kulma isku gudbinta saadka ciidan kadib markii mujaahidiintu cadawga ka jareen waddooyinka muhiimka ah ee magaalooyinka isku xira.

Related Items