Daawo:Cali Cabdalla Saalax oo Qiray in uu Qeyb Ka Yahay Isbaheysiga Xuuthiyiinta Ee Talada Yemen La Wareegay.

Thursday January 22, 2015 - 11:36:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Cali Cabdalla Saalax oo Qiray in uu Qeyb Ka Yahay Isbaheysiga Xuuthiyiinta Ee Talada Yemen La Wareegay.

    Hoggaamiyihii hore ee wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayay ku caddaatay in xiriir wanaagsan uu laleeyahay maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ee talada wadankaasi xoogga ku qabsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyihii hore ee wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax ayay ku caddaatay in xiriir wanaagsan uu laleeyahay maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta ee talada wadankaasi xoogga ku qabsaday.

Cod sir ah oo laga duubay Cabdi Cabdalla Saalax iyo sarkaal Xuuthi ah oo magaciisa lagusoo gaabiyay Abuu Raas ayaa lagasii daayay Telefeshinka Al Jaziira ee Afka carabiga ku hadla.

Cali Cabdalla ayaa wada shaqeyn toos ah la yeelanaya Xuuthiyiinta isagoo askarta iyo saraakiisha isaga taabacsan amar kusiinaya in shiicada ay u fududeeyaan qabsashada magaalada Caasimadda ah ee Sancaa.

Abuu Raas oo ah sarkaalka Xuuthiga ah ayaa isna Saalix ka qaadanaya talooyinka iyo macluumaad ku aaddan maleegidda qorshayaal melleteri iyo kuwa siyaasadeed.


Wakiillada iiraan ayaa gacanta ku dhigay intabadan magaalooyinka waaweyn ee wadanka Yemen waxayna qarka usaaranyihiin in ay madaxweyne soo magacaabaan kadib markii ay qabsadeen qasriga madaxtooyada.

Related Items