Shacabka Muqdisho oo la dhibaataysan Socdaalka Erdogaan Waddooyin Xiran Maalintii 4-aad.

Saturday January 24, 2015 - 10:47:54 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Muqdisho oo la dhibaataysan Socdaalka Erdogaan Waddooyin Xiran Maalintii 4-aad.

    Shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka sheeganaya jujuub iyo kadeed dhanka xuriyadda ah kadib markii howlgallo aan dhammaad laheyn ay martigeliyeen xaafadaha muhiimka ah ee magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa ka sheeganaya jujuub iyo kadeed dhanka xuriyadda ah kadib markii howlgallo aan dhammaad laheyn ay martigeliyeen xaafadaha muhiimka ah ee magaalada.

Boqolaal katirsan ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka ayaa maalintii 4-aad xirtay waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda,gaadiidka dadweynaha ayaa loo diiday in ay isticmaalaan waddooyinka 30-ka,Warshadaha iyo Makka Al Mukarama.

Kumanaan katirsan shacabka Muqdisho ayaa cagahooda maalaya kadib markii gaadiidka dadweynaha iyo midka gaarka loo leeyahay laga mamnuucay isticmaalka waddooyinka.

Dhibaatadan lagu hayo shacabka Muqdisho waxaa loo sababeeyay imaashiyaha R/wasaaraha Turkiya uu ku imaan doono Soomaaliya iyadoo sidaasi ay tahay ayay qaraxyada iyo dilalka kasii socdaan magaalada caasimadda ah.

Related Items