Markab Hub Sida oo Lagu Qabtay Dekadda Magaalada Berbera.

Saturday January 24, 2015 - 17:40:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Markab Hub Sida oo Lagu Qabtay Dekadda Magaalada Berbera.

    Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu gacanta ku dhigay markab hub siday oo si lama filaan ah ugusoo xirtay marsada caalamiga Berbera.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka isku magacaabay Somaliland ayaa ku dhawaaqay in uu gacanta ku dhigay markab hub siday oo si lama filaan ah ugusoo xirtay marsada caalamiga Berbera.

Wararka ka imaanaya gobolada Waqooyi galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada booliska magaalada Berbera ay qabteen hub farabadan oo lagusoo qariyay qeyb kamid ah markab ganacsi uu rarnaa ganacsato soomaaliyeed.

Cali Waran-cadde wasiirka arrimaha gudaha maamulka "Somaliland” ayaa warbaahinta u sheegay in ay xabsi u taxaabeen naaquudihii markabka islamarkaana ay su’aalo weydiinayaan.

Hubka laqabtay ayaa lagusoo qariyay gaadiid ganacsi ahaan looga keenay dibadda,ilo wareedyo ayaa sheegaya in shixnadaha hubka ee laqabtay lagasoo daabulay dekadda Port Sudaan ee dalka Suudaan.


Illaa iyo hadda lama oga halka hubkan uu ku socday iyo cidda loo waday waxaa xusid mudan in ka ganacsiga hubka uu caadi ka yahay wadamada dhaca bariga qaaradda Afrika.

Related Items