Wasiirka Ariimaha Gudaha DF-ka Oo Eedeeyay Xasan Sheekh iyo Heshiiskii Maamullada Baydhabo.

Tuesday June 24, 2014 - 18:50:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Ariimaha Gudaha DF-ka Oo Eedeeyay Xasan Sheekh iyo Heshiiskii Maamullada Baydhabo.

    Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay hoggaanka dowladda Federaalka kaasi oo ku saabsan maamul goboleedyada kajira magaalooyinka ay xoogga ku heystaan ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khilaaf xooggan ayaa soo kala dhaxgalay hoggaanka dowladda Federaalka kaasi oo ku saabsan maamul goboleedyada kajira magaalooyinka ay xoogga ku heystaan ciidamada shisheeye.

Wasiirka arrimaha gudaha DF-ka Cabdullaahi Goodax Barre oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in heshiiskii shalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho ee uu garwadeenka ka ahaa Xasan Sheekh Maxamuud uu ahaa sharci darro aan laqaadan Karin.

"Heshiiska la sheegay in laga gaaray khilaafka maamulka Baydhabo waa sharci darro mana ahan wax xaqiiq ah ee waxaa ladoonayaa in dadka lagu jiha wareeriyo”ayuu yiri Cabdullaahi Goodax Barre.


Goodax Barre ayaa xaqiijiyay in madaxda DF-ka ay si toos ah usoo faragelinayaan shaqada wasaaradaha taasina ay ceeb ku tahay dowladda.

"Waa wax iska nasiib darra ah in hoggaankii dalka ay shaqadii wasaaradaha ah soo farageliyaan kadibna Meediyaha lagu kala warqaato,arrimaha Federaalka iyo dhismaha maamullada wasaaradeyda ayaa mas’uul ah mana jirto wax xal ah oo laga gaaray”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Goodax Barre.

Xasan Sheekh iyo kaaliyayaashiisa ayaa shalay Muqdisho ka shaaciyay in maamuladii bugta ahaa ee Baydhabo fadhiyada ku lahaa lamideeyay islamarkaana lagu heshiiyay magaca "Maamulka Sedaxda gobo lee Koonfurta Soomaaliya”.

Siyaasiyiin uu kamid yahay Madoobe Nuunoow ayaa iyana sheegay in aysan waafaqsanayn warka kasoo baxay Villa Somalia tallaabadaasi oo sii xoojinaysa khilaafka dhinacyada u dhaxeeya.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items