Mid Kamida Dagaal Oogayaashii Ciidanka Itoobiya Kusoo Hoggaamiyay Soomaaliya oo Dhintay.

Sunday January 25, 2015 - 09:45:18 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Dagaal Oogayaashii Ciidanka Itoobiya Kusoo Hoggaamiyay Soomaaliya oo Dhintay.

    Mid kamida dagaal oogayaashii Soomaaliya kusoo hoggaamiyay ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa geeriyooday xilli ay dhinteen intabadan hoggaamiya kooxeedyadii hore.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid kamida dagaal oogayaashii Soomaaliya kusoo hoggaamiyay ciidanka gumeysiga Itoobiya ayaa geeriyooday xilli ay dhinteen intabadan hoggaamiya kooxeedyadii hore.

Max’med Ibraahim Xaabsade oo xubin ka ahaa baarlamaanka dowlada Federaalka ayaa xalay ku dhintay isbitaal kuyaal magaalada Muqdisho,Xaabsade ayaa la sheegay in cudur aan la aqoon uu kusoo booday kadibna uu dhanka rabigii ugalbaday.

Wuxuu kamid ahaa dabadhilifyadii ugu sumcadda xumaa soomaaliya isagoo ciidamada Xabashida Itoobiya gobollada Bay iyo Bakool kusoo hoggaamiyay sanaddii 2012.

"Hadda waxaan ku suganahay garoonka diyaaradaha Baydhabo walaalaheena ciidanka Itoobiya ayaa cadawgii Argagaxisada Shabaab magaalada nooga xureeyay”ayuu yiri Xaabsade oo 22,April,2012 lahadlayay idaacadda Afka dowladda Federaalka ku hadasha.


Xaabsade ayaa inta badan waqtigiisa siyaasadeed kusoo qaatay la shaqeynta dowladda gumeysiga Itoobiya isagoo xilal wasiirra ah kasoo qabtay xukuumadihii Cabdullaahi Yuusuf iyo Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu kamid ahaa jabhaddii la oran jiray RRA ee gudaha Itoobiya lagasoo abaabulay taasi oo sagaashameeyadii ka dagaalantay gobollada Bay iyo Bakool.

Related Items