Garsoorihii Xukunka Daldalaadda Ah Ku Riday Sadaam Xuseen Oo Ugacan Galay...

Tuesday June 24, 2014 - 20:53:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 9195
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 9
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Garsoorihii Xukunka Daldalaadda Ah Ku Riday Sadaam Xuseen Oo Ugacan Galay...

    Xoogaga Muslimiinta sunniga ah ee ka dagaalamaya wadanka ciraaq ayaa gacanta ku dhigay garsoorihii xukunka daldalaadda ah ku riday Madaxweynihii hore ee Ciraaq.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'uf Abdi Rahman Garsoorihii Xukumay Sadam Husein
Xoogaga Muslimiinta sunniga ah ee ka dagaalamaya wadanka ciraaq ayaa gacanta ku dhigay garsoorihii xukunka daldalaadda ah ku riday Madaxweynihii hore ee Ciraaq.

Mas’uuliyiin katirsan xukuumadda Shiicada Nuuri Al Maaliki ee magaalada Baqdaad ayaa xaqiijiyay in mujaahidiinta dowldda Islaamiga ah ay gacanta ku dhigeen Ra’uuf Cabdi Raxmaan kadibna la khaarijiyay.

16,June,2014 goor habeen ah ayay mujaahidiinta Ciraaq ka dagaalamaya qabteen Ra’uuf kadibna xukun toogasho ah ayaa ku dhacay.

Hoggaamiye beeleed kasoo jeeda qabiilka Saddaam Xuseen ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta xoogaga sunniga ah uu ku baxay Ra’uuf Cabdi Raxmaan oo hoggaaminayay maxkamaddii daldalaadda ku ridday Sadaam xuseen sanaddii 2006.


"16 June 2014 ayay xoogag sunniga ah gacanta ku dhigeen Qaadigii Maxkamadda xukunka daldalaadda ah ku ridday shahiid Sadaam Xuseen Ra’uuf Cabdi Raxmaan xilli habeen ah ayaa isna daldalaad lagu riday waqtigii isku dayayay in uu baxsado sidaasi ayuu ku dambayn doonaa Daalim kasta oo gacan ku dhiigle ah”sidaasi waxaa yiri Khaliil Caddiyah.

Wargeyska DailyMail oo soo xiganaya ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa dhacdadan xaqiijiyay,Sadaam Xuseen oo muddo sanada ah Ciraaq xukumayay ayay ciidanka Mareykanka gacanta ku dhigeen kadibna waxay ugacan geliyeen shiicada Ciraaq iyagoon si fool xun udilay, xukunka daldalaadda Saddaam ayay ku beegeen maalin Ciid ah oo muslimiintu dabaal degayeen.

Related Items